Madaxweynaha Puntland oo Rukhseeyey Sarkaakiishii Mucaaraday Madaxda maamul goboleedyada

mssmul

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 25 October 2018 ka Rukhseeyey Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland 7 Sarkaal oo katirsan Ciidanka Daraawiishta kadib markay sheegeen inaysan dan ugu jirin Madaxda maamul Goboleedyada ku shiraya Garoowe.
Ujeedo: Rukhso Saraakiil
Laga bilaabo 25 October 2018 waxaa Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland laga Rukhseeyey (7) Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta kadib marka ay ku kaceen falal lid ku ah jiritaanaka Puntland iyo anshaxa ciidannimo, kuwaas oo kala ah.
1. G/Sare Jaamac Axmed Maxamer (Luujito)
2. G/Sare Maxmed Cali Qase
3. G/Sare Maxamed Ducaale Maxamuud (Ayax)
4. G/Sare Cabdirsaaq Aadan Cali (Dhancad)
5. G/Dhexe Cabduqaadir Jaamac Cabdi (Dhalo muro)
6. G/Le Maxamuud Cali Xirsi ( Afgaab)
7. Dhame Cumar Aadan Cabdi (Boolo Boolo)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.