Daawo+Sawiro: Garoonka Diyaradaha Caabudwaaq oohelay dhaqaale lagu Casriyeynayo

Mashruuca lagu hormarinayo Kaabayaasha dhaqaalaha degmada Caabudwaaq oo loo sameeyay tartan bulshadu ay ugu kala codaynayso midka ay rabto, si loogu sameeyo maali galin, ayaa lagu qabtay maanta degmada Caabudwaaq ee Dawlad goboleedka Galmudug.
Mashruucan horumarinta loogu sameynayo kaabayaasha dhaqaalaha Bulshada ayaa waxaa maalgalinaya Sanduuqa Xasilinta ee Soomaaliya waxaana fulinta mashruucaan wada jir u samaynaya Hay’ada DRC iyo Shaqadoon oo kaashana Maamulka degmada iyo Wasaarada Arimaha gudaha iyo Dawladaha Hoose.
Xafladdan loo sameeyay Mashruuca oo isugu jirtay daahfur iyo codyan Waxaa ka soo qayb galay 100 ruux oo laga soo xulay bulshada si ay u kala doortaan sadex mashruuc oo kala ahaa.
1- Garoorka diyaaradaha degmada Caabudwaaq
2- Dhismaha suuq ganacsi oo ay yeelato degmada iyo
3- Horumarin loogu sameeyo wadaayiga dhexmara degmada
Madaxa Arimaha Bulshada maamulka degmada Caabudwaaq Muuse Maxamed Axmed (Muuse Inji) oo ka hadlay madashan ayaa bulshada ka codsaday inay u coeeyaan doorashada midka ay u arkaan danta.
Sidaasna waxaa ku bilowday codaynta oo ahayd gacan taag, waxaana najiidada Codaynta goobta ka sheegay Muus Maxamed Axmed (Muuse inji) oo sheegy in Airport-ka uu ku guulaystay 97. kamdi ah boqolkii qof ee codaysay.
Doorasha ka dib waxaa hadalo kala duwan halkaasi ka soo jediyay qaar kamid ah dadkii codeeyay iyo Ugaas Axmed Barre cali, waxaana ay sheegeen inay ku qanceen najiidada codaynta.
Wasiirka Wasaaradda Arimaha gudaha iyo Dawladaha Hoose ee Galmudug Maxamed xayir Nuur oo ka hadlay gababadii ayaa sheegay inay so dhaweynayaan rabitaanka dadka sameeyay codaynta.
hoos kadaawo Warbixintii Naftaada Nabada Bar

cw

cw

cw

cw

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.