Sawiro:Ra’iisalWasaare ku xigeenka Dalka oo kormeeray Tiyaatarka Qaranka

mahdi

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Maanta kormeeray Golaha Murtida iyo madadaalada Qaranka oo ay ka socdaan howlo dib u dhis ah.
Xilligii uu Ra’iisul waasre ku xigeenku ku guda jiray kormeerka ayaa waxaa goobta ku sugnaa shaqaalaha wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortis-ka Soomaaliya oo halkaasi ka waday shaqa Maalmeedkooda Is-xilqaan, taasoo qayb ka ah qorshaha ay hay’adaha Dowladda kaga qayb qaadanayaan ololaha Is-xilqaan oo uu Madaxweynaha JFS ku dhawaaqay.
“Waxaan maanta kormeer kusoo maray xarunta Golaha murtida iyo madadaalada (Tiyaatarka) ee Muqdisho oo dib loogu dayactiraayey Barnaamijka Qaran Ee Is-xilqaan kaas oo ay saaka ka qayb qaadanayeen shaqaala iyo madaxda u saraysa ee wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha JFS”ayuu yiri R/wasaare ku-xigeenka Dalka.
Mudane, Khadar, ayaa bogaadiyay sida dar-darta iyo waddaniyadda leh ee ay howluhu u socdaan, wuxuuna sheegay inay doorkooda ka xukuumad ahaan ka qaadanayaan sidii loo soo celin lahaa muuqaalkii wanaagsanaa ee ay xaruntaasi lahayd.
Mas’uuliyintii maanta halkaas joogay ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Maareeyaha Golaha Murtida iyo madadaalada Qaranka iyo Madax kale.
mahdi

mahdimahdi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.