Madaxii dhoofinta Dhuxusha Kismaayo oo Garoonka Muqdisho Lagu qabtay

raabi

Guddoomiyaha Rugta ganacsiga warshadaha Jubbaland ahna Madaxa Dhoofinta Dhuxusha Magaalada Kismaayo Shaafi Raabi Kaahin ayaa mar kale lagu xayiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Shaafi Raabi Kaahin ayaa waxuu garoonka muqdisho kusoo galay baasboorka dublamaasiga kaas oo si sharci daro ah ku qaatay kadibna Meel ayaa la i fariisiyey waxaana laga qaaday sharcigii uu kusoo galay magaalada muqdisho.

Masuuliyiinta Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay usheegeen Raabi inuu la mid yahay shacabka Soomaliyeed xaqna ulee yahay inuu dalbada Baasaboorka Caadiga ah ee diblomaasiga ahayn.

Rugta ganacsiga jubbaland ayaa waxaa horay loogu eedeeyey inay dhuxusha ugu badan ka dhoofiyaan magaalada kismaayo ee xarinta ku meel gaarka ah ee jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.