Top News:Maamulka Koonfurgalbeed ayaa ka Noqday Xirirkii ay ujareen dowlada Somaliya

shari

Dhawaan bay ahayd markii Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed cabdi Waare uu sheegay in khilaafkii kala dhaxeeyey dowladda Federaalka Soomaaliya ka heshiiyeen, hadaba Maamulka Koonfurgalbeed ayaa isna dowlada Soomaliya lagalay Heshiis Hoose kaas oo wali lashaacin.

Maamul Koonfurgalbeed ayaa waxay Garowsadeen inaan danta shacabka Soomaliyeed iyo kan Maamulka Koonfurgalbeed aysan ku jiran Qilaaf soo kala dhex gala dowlada Federaalka iyo Madaxda maamulka Koongalbeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda inay si deg deg ah gargaar caafimaad u gaarsiiso dhaawacyada culus ee sida bahalnimada leh argagixisada Alshabaab ay qaraxyo kula beeegsadeen magaalada Baydhabo.

Ayadoo laga jawaabayo Fariinta Madaxwaynaha Soomaliya ayaa Maanta Waxaa Gaaray Magaalada Baydhabo Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda Tamarka iyo khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Soomaaliya oo wada sahay Daawo ah.

Dhanka Kale Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshadda Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gurmad u fidisay dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Shalay Ka dhacay Magaaladda Baydhabo dadkii qaraxaas ku dhaawacmay ayaa Maanta la keenay Magalada Muqdisho si loogu daweeyo.

Ugu dambayntii Madaxwaynaha Koonfurgalbeed iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Koonfurgalbeed ayaa Dowlada Soomaliya uga Mahadceliyey Gurmadka ay lasoo gaareen ayakoo sheegay in meel looga soo jeesto sidii laykaga dhicin lahaa kooxda Argagixisada Alshabab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.