Madaxweynaha Somaliya oo dhagax dhigay Tiyaatarka Qaranka 

madaxwayne

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta dhagax dhigay xarunta Golaha Murtida iyo Maddadaalada ee Tiyaatarka Qaranka.

 
Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka Cabdinuur Maxamed Axmed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu saaka dhagax dhigay xarunta Tiyaatarka Qaranka, halkaasi oo la qorsheynayo in muddo ka yar sanad lagu soo gabo gabeeyo dhismahiisa.

“Madaxweynuhu waxa uu balan qaaday in muddo sanad ka yar lagu soo gabo gabeyn doono dhismaha Tiyaatartaka Qaranka, waxaan rajeynaynaa in fanaaniinta ay halkaasi ku soo gudbiyaan hal abuurkooda” ayuu yiri Agaaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka.

Agaasimaha ayaa xusay in Tiyaatarka lagu dhisi doono barnaamijka uu hirgeliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee isxilqaan, kaasi oo ay ka qeyb qaadan doonaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana lagu dhisi doono xarumaha danta guud

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.