Hawgal lagu Dilay labo Burcad ayaa kadhacay Gobolka Banaadir

Isgoyska Buur Cali Janaale, oo ah sohdinta kala qeybiysa degmooyinka Kaxda iyo Dharkeenley ee gobolka Banaadir, ayaa waxaa maanta howl-gal qorsheysan ka fuliyay ciidanka booliiska Soomaaliyeed, waxaana howlgalkani lagu dilay laba ruux oo ay saraakiisha ciidanku amniga sheegeen in ay ka tirsanaayeen kooxo burcad ah oo dhac u geysanayay shacaka waddadaasi isticmaala, waxey sidoo kale howlgal kaasi lagu soo qabtay 8 ruux oo burcadaas ka tirsanaa, sida ay saraakiisha sheegeen.

Goobta howlkani laga fuliyay waxaa soo kormeeray guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir, mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed, (Tuulax) isagoo u mahadceliyay ciidamada howlgalkaasi fuliyay ee ka hortagay dhibaatada shacabka lagu haayay.

Gaashaanle sare, Qaasim Axmed Rooble oo kamid ah saraakiisha howlgal kaasi hogaaminayay ayaa warbaahinta u sheegay in ay ku guuleysteen howlgalkii maanta ay sameeyeen.

Guddoomiyaha degmada Kaxda, Maxamed Ismaaciil Cabdullaahi, waxa uu sheegay in shacabka iyo maamulka degmada ay dhibaata ku qabeen kooxaha burcadka ah hubeysan, isla markaana ay si weyn ugu faraxsan yihiin in kooxahaas laga takhalusay maanta.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ( Tuulax) ayaa dhankiisa tilmaamay in maamulka gobolka Banaadir uusan u dulqaadan doonin wax kasta oo carqalad ku ah amniga Caasimadda.

Warbixintii SONNA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.