Daawo:Xildhibaan Sagal Biixi oo gaartay Garbaaharay si ay uga qayb qaadato Kacdoonka Shacabka Jubaland

sagal

Garoonka diyaradaha Magaalada Garbahaaray ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey Xildhibaan Sagal Isaaq Biixi oo kamida Xildhibaanada Dowlada Federaalka ah ee Soomaliya, Xildhibaan Sagal Biixi ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyey Maamulka Gobolka Gedo, Kan Degmada Garbaaharay, waxgarad, Dhalinyaro , Haween iyo qaybaha Kala duwan ee Bulshada Magaalada Garbahaaray ee Gobolka Gedo.

Xildhibaan Sagal Biixi ayaa waxaa Socdaalkeeda laxariiraa sidii ay uga qay qaadan lahayd kacdoonka ay wadaan shacabka Jubbaland kaas oo ka socda Dal iyo dibad, waxaayna Kulamo laqaadan doontaa qaybaha kala duwan ee Bulshada Garbahaaray iyadoo kala qayb qaadan doonta bananbaxyo looga soo horjeedo Madaxda Jubbaland kuwaas oo ku fashilmay Hogaanka Jubbaland.

Magaalooyinka Dhoobley, Afmadow, Baardheere, Garbahaaray, Buurdhuubo iyo Ceelwaaq Bananbaxyo looga soo horjeedo Madaxda juubaland ee ugu horeeyo Madaxwaynaha jubbaland Axmed madoobe iyo Goalhiisa wasiirada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.