Maamul Goboleedyada oo loo sheegay in xisaab Xir looga fadhiyo Xirirjarka Hadanbeeyee

maamul

Magalada Kismaayo ee Xarunta ku meelgaarka maamulka Jubbaland ayaa waxaa Goordhow lagu soo geba gabeeyey Shirkii Madaxda maamul goboleedyada kaas Shan Maalin uga socday waxaana laga soo saarey Warmurtiyeed aysan Bulshada Soomaliyeed ku farxin.

Waxaana Warmurtiyeedkaas lagu sheegayn In dowladdu ay joojiso faragelinta Guracan oo ay ku heyso Dowlad Goboleedyada, Inay Garawshiyo ka bixiso xiisad abuurka iyo faragelinta joogtada ah iyo in la helo Hanaan iyo heshiis oo leh damaanad lagu kalsoonaan karo.

Dhanka Kale Dowlada Soomaliya ayaa waxay Maamul goboleedyada kasugaysaa in ay soo gudbiyaan Xisaab xirka lacag badan oo Dowlada Soomaliya ugu deeqday Maamul goboleedyada si wax looga qabto baahiyaha Kajira Deegaanka Maamul Goboleedyada lakiin Badalkeeda ay dhunsadeen Madaxda Maamul goboleedyada.

Madaxda maamul Goboleedyada ayaa waxaa looga fadhiyaa Xisaabxirkaas waxaana laxanibay deeqihii lacagahaa ee lasiin Jiray taas oo ay Dalbadeen Dalalaka Deeq bixiyaasha ah iyo Dowlada Somaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.