Akhriso:Germalka Oo Puntland Ku eedeeyey Musuq Maasuq iyo Dhaqaalo Laga Xanibay

gaas

War qoraal ah oo kasoo baxay Saafaarada Jarmalka ee dalka Kenya gaar ahaan waxdeeda hawlgaladeeda dalalka Kenya, Seychelle iyo Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuu fashilka ku yimid dayactir lagu samayn lahaa jidka isku xira Garoowe iyo Gaalkacyo, gaar ahaan 80km ee tuulooyinka Jalam iyo Xarfo
War saxafadeedka ayaa lagu yiri ”Jarmalku wuxuu safka hore kaga jiraa saaxiibada ugu caansan ee horumarka Soomaaliya. Qayb weyna oo ka ah taageerada Jarmalka ee Puntland. Iskaashiga Horumarineed ee Jarmalka wuxuu taageerayaa xoojinta qaybaha caafimaadka,gurmadka abaaraha, sidoo kale hagaajinta farsamooyinka gacanta (TVET). Taageerada jarmalka qaybta caafimaadka ee Puntland ayaa losoo hadal qaaday waxaana ay sheegtay dawlada Garmalka inay ka kaban tahay 30 milyan oo doolar.”
Jermalka ayaa sheegay in bilawgii mashruucaasi 2016 hanwayn loo qabay,lakiin khilaaf uu ragaadiyay, sida lagu xusay qoraalka kasoo baxay safaarada qaybteeda qaabilsan horomarinta Soomaaliya.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dawlada Jarmalka ay raadiyeen sidii xal looga gaari lahaa khilaafka hareeyay mashruucaan ,balse lawaayay daahfurnaantii iyo islaxisaabtankii muhiimka u ahaa fulinta mashruucaan.
Safaarada ayaa sheegatay in gabi ahaanba la joojiyay iskaashigii ka dhexeeyay hay’ada GIZ ee jarmalka iyo hay’ada Puntland u xilsaaran wadooyinka (PHA), hakinta mashruucaan ayaa lagala tashaday dawlada Federaalka ee Soomaaliya ayadoona laguna wargaliyay maamulka Puntland
Jarmalku waxay diideen ama sheegeen inay dafirayaan eedmaymaha ah in hay’adooda ay kulug lahayeen dayaca kuyimid mashruucaan,
Nasiib xumo muddada uu socday qandaraskaasi 14% kaliya ayaa la fuliyay,
”Waxan ka codsanaynaa dhammaan daneeyayaasha inay ka fogaadaan eedeymaha oo laga yaabo in ay waxyeelo u geystaan iskaashiga ka dhexeeya Puntland iyo lamaanayaasha dibadda guud ahaan Waxaan si gaar ah u tixgelineynaa dadaalkeena joogtada ah ee lagu taageerayo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo gaar ahaan Puntland” ayaa lagu yiri warsaxadeedka
War qoraal ah oo kasoo baxay Saafaarada Jarmalka ee dalka Kenya gaar ahaan waxdeeda hawlgaladeeda dalalka Kenya, Seychelle iyo Soomaaliya ayaa lagu soo gaba gabagabeeyay qaybtii dhaqaale
Lacagihii aan la sii deyn sababna u hayd go’aanka lagu joojinayay iskaashiga u dhexeeya GIZ iyo PHA weli qayb ahaan loo heli karo sida ku qaoran qoraalka safarada Jarmalka
Safiirka Jarmalka wuxuu ku nuuxnuuxsaday in go’aanka uusan saameyn ku yeelan karin barnaamijyada kale ee ay ka fulinayaan Iskaashiga Horumarinta Jarmalka ee Puntland.
Jarmalka ayaa intaas ku daray inay rajeynaya in ay sii wadaan wadashaqeyn wanaagsan oo ay la yeeshaan saaxibadood ku sugan deegaanka si ay u helaan natiijooyinka joogtada ah ee ka faa’iideysanayaan dadka reer Puntland iyo kuwa kale.
Halkaan Riix si’aad u akhriso Qoraalka Dowladda Jermalka
Turjumidda : SBC
Subeyr Sheikh Abdi
Boosaso – Puntland

Xigashada wararka Warbaahinta SBC

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.