Sawiro:Madaxda Waynaha soomaliya oo Gaaray Magaalada Asmara

farmaajo

Madaxwaynaha Soomaliya Maxamed Cabdulaahi farmaajo iyo wafti uu hagaaminaayo ayaa waxay gaareen Magaalada Asmara ee dalka Eratariya waxaan a garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey Madaxwaynaha dalka eratariya iyo Ra’iisalwasaaraha dalka Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo, Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki ayaa la qorsheeyey in ay ku kulmaan magaalada Asmara, 6-da iyo 7-da bisha Sebteembar 2018, si ay uga wada xaajoodaan adkaynta xasilloonida amni iyo dhaqaale ee gobolka ee Geeska Afrika.
Hoggaamiyeyaasha ayaa sidoo kale ka wada hadli doona, qaabkii lagu soo afjari lahaa dhammaan khilaafyada siyaasadeed iyo bulsho ee u dhexeeya dalalka Geeska si loo helo waddamo daris ah oo is-oggol, si nabad ahna u wada nool.
Soomaaliya ayaa doonaysa inay kaalin weyn ka qaadato isdhexgalka dhaqaale iyo bulsho ee Geeska Afrika, si loo dardargeliyo ganacsiga iyo maalgashiga, loona kobciyo isku xirnaanta bulshada iyo dhaqaalaha Geeska.

farmajo

farmajo
farmaajo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.