Daawo: Munaasabad lagu sagootinayo 41 ardey oo deeq waxbarasho ka helay dalka Shiinaha

arday

Munaasabad lagu sagootinayo 41 ardey oo deeq waxbarasho ka helay dalka Shiinaha ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ( Jaabur), xubno ka socday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Qunsulka safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, Wang Peng, Waalidiin iyo marti sharaf kale ayaa goob joog ka ahaa munaasabadda.
Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa sheegay in Xukuumadda u hogaamiyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ay dadaal ku bixisay helida deeqdan waxbarasho, isla markana tusaalo u tahay in dowladda ay ahmiyada koowaad siineyso horumarinta waxbarashada dhalinyarada Soomaaliyeed.
“Halkan waxaa maanta munaasabad sagootin ah ugu sameyneynaa 41 ardey oo ka mid ah kuwii ugu darajooyinka sareeyay imtixaankii la qaaday waxay kala yimadeen gobollada dalka iyo kuwa gobolka Banaadir, waxay tusaale u tahay ahmiyada dowladda ay siineyso horumarinta waxbarashada dhalinyaradda Soomaaliyeed, dowladda juhdi badan ayay ku bixisay helida deeqdan waxbarasho, si cadaalad ah ayaana lagu soo xulay” ayuu yiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxabrashada Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.