Wasiir Hilaal oo Maktabada Garbahaaray Lacag iyo Buugaag ugu Deeqay

maktabada

Mudane Maxamuud Cabdi qaadir Hilaal, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Batroolka & khayraadka dabiiciga ah ee Dowladda Faderalka Somalia, Ayaa kulan casho sharaf & isxogwareysi ah usameeyay Howl-wadeenada maktabada guud ee garbaharrey.

Wasiir Kuxigeenka ayaa kulanka kadib Maktabadda ugu deeqey buugaag iyo Bixinta qarshka kirada guriga maktabada labo bilood, Howl-wadeenada maktabada ayaa wasiirka oga mahadceliyay dhiira galinta iyo talada wanaagsan ee uu la wadaagey.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Batroolka & khayraadka dabiiciga ah ee Dowladda Faderalka Somalia ma ahan Markii ugu horaysay ee uu ka qayb qaato Horumarinta Adeegyada Bulshada ee marar tiro badan ayuu ka qayb qaatay samafalka sida Waxbarashada, caafimaadka, Biyaaha, Abaaraha iyo kuwa kale oo badan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.