Dib u dhac Kuyimid Furitaankii Shirkii Maamul Goboleedyada iyo Fashil Kuyimid

goboleed

Waxaa Dib u dhac ku yimid shirkii magaalada Kismaayo maanta uga furmi lahaa Madaxda dowlad goboleedyada Puntland,Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland, Madaxda Jubbaland ee Martida loo yahaya ayaa sheegtay in maanta uu dib u dhac ku yimid shirka, islamarkaana uu berri furmi doono.

Shirkaan waxaa looga hadlayaa qeybsiga kheyraadka, dib u dhiska ciidanka, xaalada dalka, iyo xiriirka Maamulka Jubbaland iyo dowlada federaalka kaas oo axmed madoobe u adeegsanayo inuu ku dhaleeceyo dowlada Federaalka ah taas oo ku sheegi doono inay ka masuul tahay Banabaxyada looga soo horjeedo Madaxda Jubbaland ee ka dhacay Deegaanada Jubbaland.

Madaxda Maamul goboledyada ayaa ka horyimid in Axmed Madoobe Afduubo shirka oo dantiisa gaarka laga hadlo Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa waxay wajahayaan doorashooyin la sheegayo inay dowladda gadaal ka riixeyso iyo shacabka Maamul goboleedyada oo ku qanacsanyn wax tar la’aan Madaxda Maamul goboleedyada.

Madaxwaynaaysaha Hirshabeele, Galmudug iyo Koonfur galbeed ayaa waxay waqtigooda inta badan ku dhumiyaan Magaalada ayakoo ay yartahay inta ay joogaan deegaanada laga soo doortay, Madaxwaynaha Jubbaland Axmed madoobe asagana waxaa uu wajahayaa Micarad xoog badan oo ka imaanaya Siyaasiyiinta iyo Shacabka Jubbaland.

Madaxwaynaha Puntland Gaas ayaa sagana waxaa saran culays wayn oo ka imaanaya shacabka Puntland taas oo la xariirta shiraka imaaradka ee lagu wareejiyey Dekada Boosaaso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.