Daawo:Micheal Keating oo Axmed Madoobe gaarsiiyey Go’aankii UN ka gaaren Dhuxusha Kismaayo Lag dhoofiyo

dhuxul

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa waxaa uu soo gaaray Magaalada Kismaayo, Waxaana garoonka diyaaradaha ku kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo Mas`uuliyiin kale.

Soo dhawaynta ka dib waxaa uu Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating kulan laqaatay Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” waxuu u gudbiyey qarar kasoo baxay Qaramada midoobay kaas oo lagu mamnjuucaya Dhoofinta Dhusha iyo Jaristeeda.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa waxaa uu uga digay Axmed madoobe iyo Maamulkiisa hadii ay uhogaasami waayaan Go’aanka qaramada midoobay ee ku mamnuuceen dhoofinta dhuxusha ka socota Magaalada Kismaayo inay qaramada Midoobay qaadayso tilaabo adag oo cawaaqib xun lakulmi doono Axmed Madoobe iyo inta ka shaqeysa Dhoofinta Dhuxusha.

Dowlada Soomaliya ayaa horay go’aan ay ku mamnuucayso dhoofinta dhuxusha ka soo saartay Shirkii Golaha wasiirada Dowlada Federaalka ah ee soomaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.