Sawiro: Masaajid iyo Dugsi quraan Qasaare ka soo gaaray qaraxii Muqdisho ka dhacay

qarax

Faah faahin dheeraad ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay Xarunta Maamulka Degmada Hawlwadaag ee Magaalada Muqdisho, Wararka aaan kahelayno Goobta qaraxa ka dhacay ayaa sheegaya in saddex ruux ay ku dhinteen qaraxaasi oo mid ka mid uu yahay askari ka tirsan ciidamada ilaalada ka haayay Xarunta Degmada Hawlwadaag waxaa kaloo dhaawac kasoo gaaray 14 qof, kuwaasoo 6 ka mid ah ay carruur ahaayeen.

qaraxa ayaa waxyeelo ugaystay masaajid iyo dugsi quraan kasoo horjeeda xarunta Degmada HowlWadaag oo uu qaraxa ka dhacay halkaas oo arday Quraan baranaysay ay ku sugnaayeen, Gaariga qaraxa loo adeegsaday ayaa la sheegay inuu kaxeynaayay ruux naftii halige ah, islamarkaana uu ku dhuftay darbiga Xarunta Degmada.

qarax

qarax
qarax

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.