Masuuliyiinta Soomaliya iyo Etoobuya oo ku kulmay Dalka Shiinaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo saaka ku kulmay magaalada Beijing ayaa ka wada hadlay ahmiyadda uu Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) u leeyahay Gobolka iyo sidii ay dalalka Geeska Afrika uga faa’iideysan lahaayeen fursadaha maalgashiga ee haatan jira.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Axmed ayaa adkeeyay in isdhexgalka dhaqaale ee dalalka Geeska Afrika uu horseedayo koboc dhaqaale, maalgashi shisheeye iyo xasillooni buuxda oo ay qeyb qaataan dhammaan dalalka gobolka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.