Guddiga Wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo kulankoodii ugu horeeyay ku yeeshay Addis Ababa

Guddiga Wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Ethiopia.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa yagleelay markii ugu horreysay taariikhda Guddi wadaag ah oo iskaashi ah si loogu saldhigo xiriir iskaashi oo sal adag, kaasi oo ku qotoma xushmad is dhaafsi, deris wanaag iyo ilaalinta iyo xushmeynta madax banaanida iyo midnimada si siman labada dalba.
War qoraal ah oo ka soobaxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen arrimo la xiriira iskaashiga laba geesoodka ee dhinacyada ammaanka, dhaqaallaha, biyaha iyo qodobo kale oo la xiriira xaaladda gobolka iyo dunida.
Dhismaha Guddiga Wadaagga ah ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah si loo dhaqaajiyo xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee deriska ah si loo horumariyo, loona agaasimo qorshayaal horumarineed oo cusub oo faa’ido ugu jirto labada dal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.