Faah Faahin Dheeraad ah oo laga helayo weerar Al Shabaab xalay weerar ku qaadeen Afgooye.

shabab

Al Shabaab ayaa xalay abaaro Saqdii dhexe weerar xoogan ku qaaday degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, Shabaab ayaa Saddex jiho ka weeraray Degmada Afgooye waxayna gudaha degmadaasi kula dagaalameen ciidanka dowladda federaalka Soomaliya.

Waxaa la xaqiijiyay dagaalkan inuu ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, islamarkaana soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay iyo dad rayid ah oo rasaasta ay guryahooda ugu tagtay.

Xaaladda degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa haatan ah mid degan iyadoo Kooxihii AlShabaab ay dib uga gurteen Degmadaasi Afgooye ee xalay weerarka ay ku soo qaadeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.