Dhagesyo:Soomaali u tartamaysa xildhibaannimada Baarlamaanka Dalka Sweden

somaliswden

Ugu yaraan seddex murashax oo Soomaali ah ayaa u tartamaya xildhibaannimada Baarlamaanka Sweden, doorashada dalkaas ka dhici doonta 9 Siteembar 2018, Laba ka mid ah waxay ka wada tirsan yihiin xisbiga talada haya ee Social Democrats, waxayna ka ololaynayaan magaalada caasimadda ah ee Stockholm.

Tiro ka badan 60,000 oo Soomaali ah ayaa la sheegay in ay ku nool yihiin dalka Sweden, sida ay sheegayso tirokoob la sameeyey 2016, Maxamed Nuur iyo Barni Nuur waxay ka mid yihiin Soomaalida dalkaas muddada dheer degganaa, haatanna u taagan xildhibaannada baarlamaanka.

BBC ayaa labadoodaba la xiriirtay, oo su’aalo isku mid ah weydiisay, xilli ay aad ugu mashquulsanaayeen ololaha doorashada oo gabagabo ku dhow Codadka ay ku xisaabtamayaan waxay ka doonayaan intooda badan Soomaalida ku nool Sweden ee xaqa u leh inay codeeyaan.

Warkaan waxaan ka soo xiganay Bbcda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.