Muuqaal: Khayre iyo wasiirradiisa ayaa olole nadaafadeed ka bilaabay Stadium Muqdisho

Garoonka ciyaaraha kubadda Cagta ee Muqdisho Studium Muqdisho ayaa waxaa ka soconaya olole balaaran oo dhanka nadaafadda ah kaasi oo qeyb ka ah barnaamijka isxilqaan si dib loogu so celiyo bilicdii garoonkaasi uu lahaa,waxaana manata ka qeybgalay mas’uuliyiin uu hoggaaminayay raiiusl wasaaraha XUkuumadda Soomaaliya.
Xubnaha maanta ka qeybgalay ololahaasi nadaafadeed waxaa kamid ah raiiusl wasaare kuxigeenka Dalka,xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda,maamulka Gobolka Banaadir,ciidanka Qalabka sida,fanaaniin iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada.
Raiisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ka hadlayay howlaha nadaafadeed oo ay maanta kaga qeybgaleen garoonka kubadda Cagta ee Muqdisho ayaa sheegay in barnaamijka isxilqaan dib laagu dhisayo garoonkaasi.
Sidoo kale waxaa uu sheegay raiisul wasaaraha Soomaaliya shacabka Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay ka qeyb qaatan dib u dhiska dalkooda,si looga maarmo gacmo shisheeye,wuxuuna intaasi ku daray in la wareegitaanka garoonkaasi ay qeyb ka tahay balanqaad ay sameysay dowladda,islamarkaana haatan uu dhalinyarada gacanta u soo galayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.