Muuqaal:Guddoomiyaha Haweenka ee gobolka Gedo ayaa cambarayn ujeedisay Wasiirka haweenka Jubaland

fadumo

Guddoomiyaha Ururka Haweenka ee gobolka Gedo Maamo Faatumo Sh. Daahir ayaa ka jawabtay hadal dhawaan lagu shaaciyay baraha bulshada, kaasoo ka soo yeeray wasiiradda Haweenka iyo xuquuqul insaanka ee Jubbaland Qamar Deeq Khaliif.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka ee gobolka Gedo Maamo Faatumo Shiiq Daahir ayaa sheegtay Hadalkii ay ku aflagaadaysay Shacabka Gedo iyo Madaxwaynaha Soomaliya inaysan ahayn Hadal Wasiir, intaad ka hadli lahayd Gabdhaha Kenya kufsiga ugu gaystay Deegaanada jubaland ayaa waxay ka doorbiday isku dirka Beelaha Jubbaland ayey tiri Gudoomiyaha Haweenka Gedo.

Maama Faadumo ayaa waxay tiri guryaha ay sheegtay in Wasiirka Haweenka Jubbaland Qamar ay udhistay Haweenka gobolka Gedo inaan waxba kajirin, Guryahaan waxa dhisay anigoo ah gudoomiyaha Haweenka Gedo, ugu dambayntii waxaay gudoomiyaha Haweenka gobolka Gedo sheegtay inay Haweenka Soomaliyeed ku yeesheen dowlada Federaalka Soomaliya qoondo wanagsan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.