Madaxwaynaha Maamulka Soomalida oo Jig jiga lagu soo dhaweeyey

Magaalada JigJiga waxaa Goordhow soo gaaray Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Soomalida Mustaf Muxumed Cumar oo maal mahaan ku sugnaa Magalada Adis Ababa.

Boqolaal ka mid ah Shacabka Magalada Jigjiga iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo qeybaha kale ee Bulshada ayaa soo dhaweeyey.

Maalinta berito ah ayaa la filayaa in uu ka qeyb galo kulan ay yeelan doonaan Xildhibaanada Shacabka Dimuqraadiga ee Dowlad deegaanka Soomaalida ,iyaga oo la filayo inay ka hadlaan bedelida Calanka iyo Magaca Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.