Sawiro+Video:Baaq iyo Tacsi loo dirayo reer Buuhoodle

Qaar amid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ka soo jeeda goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn ee kusugan maraykanaka ayaa maanta kulan ay isugu yimaadeen uga hadlay dhacdo dil ah oo dhawaan loo geystay Ganacsato iyo aqoonyahan reer Buuhoodle ah kuwaas oo sida ay sheegeen ka mid ah dadka isbadalka Horumarineed ka waday deegaanadaasi.

Waxay ugu horeyn ka Tacsiyadeeyeen dhimashada laba masuul oo ganacato iyo aqoonyahanba ahaa oo dhawaan lagu dilay Buuhoodle kuwaas ooo lagu magacabi jiray, Axmed Maxamuud Doolaal iyo Cabdifatax maxamed Cali, waxayna sidoo kale fariin dhinacyo baddan taabanaysay u direen shacabka goboladdaasi oo ay ugu baaqeen in ay ka shaqeeyaan Amniga iyo isku duubnida shacabka Soomaaliyeed ee deegaamadaasi si looga dheeraado in ay dhacdooyinka noocaasi ah soo laabtaan.

Aqoonayahanka,Ganacsatada, iyo shacabka reer Buuhoodle ayay ka codsadeen in isku meel looga soo jeesto cid walba oo caqabad ku noqon karta Amniga deegaamadooda si meesha looga saaro cabsi iyo in la shaki galiyo dagananshaha magaalooyinkaasi oo horumar dhinaca dhismaha Ganacsiga iyo is dhexgalkaba ah uu ka jiray.

Waxay xuseen in Alle uu la xisaabtamayo cid walba oo si qarsoodiya ku disha Haldoorka Soomaaliyeed balse ay jirto laba mar oo lala xisaabtami doono taas oo ah inta dunida la joogo oo kuwa dilalka noocan ah geysta aan laga hari doonin lalana xisaabtami doono iyo in alle uu ka abaal marinayo dhimashada kadib.

Ugu danbayn waxay Tacsi xanuun baddan u direen, waalidiintii,caruurtii,xaasaskii,saxiibadii,qoysaskii,iyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxeen.

buhodle

buhodle

budole

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.