Sawaro:Ciidamada Kenya oo Burburiyey Xarun Kale oo shirkada Hormuud leedahay

isgarsin

Ciidamada dowladda Kenya ayaa mar kale gubay xarun ay laheyd Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud, Ciidamadaan ka tirsan kuwa Kenya oo kasoo tallaabay xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa qaraxyo loo adeegsaday Miinooyin ku burburiyey xaruntii Shirkadda Hormuud ee Tuulada Calibuley oo 30KM dhanka waqooyi uga beegan Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose.

Ciidamada Kenya ayaa horey u gubay Xarumo ay laheyd shirkadda Hormuud Telecom oo ay kamid ahaayeen Ceelbaande, Dhamase, Khadiijo Xaaji , Dhegalaab iyo Dhuuntow oo ku wada tirsan Gobolka Gedo, waxayna xaruntaan hadda la gubay noqoneysaa middii lixaad oo ay ciidamada Kenya si bareer ah u gubaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.