Ra’iisulwasaare Khayre oo wafti kasocda dalka Eratariya Muqdisho kusoo dhaweeyey

Wasiirka Arrimaha Dibedda Ereteriya Mudane Osman Saleh iyo Lataliyaha Madaxweynaha Ereteriya Mudane Yemane Gebreab ayaa soo gaarey magaalada Muqdisho si ay wadahadallo sare ula yeeshaan dawladda Soomaaliya.

Safarkan wafdiga ayaa ku soo beegmaya ka dib booqashadii uu Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ku tegey waddanka Ereteriya.

Wadahadalladan ayaa looga gon leeyahay sidii iskaashi buuxa uu uga dhici lahaa gobolka, kaas oo muhiim u ah horumarka dhaqaale iyo xasiloonida siyaasadeed ee dalalka Geeska Afrika.

Wafdigan ayaa waxa garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliye mudane Xasan Cali Khayre iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.