Dhagayso:Afhayeenka Qurbajoogta Jubbaland oo Maamulka Jubaland ku Tilmaamay Argagixiso

isaxaq

Afhayeen Guud ee Qurba joogta Jubbaland Isxaaq Cabdulaahi Cilmi ayaa mar uu lahadlaayey Saxaafada waxuu sheegay in Maamulka Jubbaland ee axmed madoobe horjoogaha u yahay inuu gacan saar la lee yahay kooxda Argagixisada arxan laawayaasha ee Alshabaab kuwaas oo ummada Soomaliyeed dhib wayn ugaystay.

Afhayeenka qurba joogta Jubbaland Isaxaaq Cabdulaahi ayaa waxuu soo qaatay Cadaymo badan oo uu hayo kuwaas oo ay kamid yihiin Dhuxusha taas oo Alshabab kasoo Jaraan Goobaha Ka fog Magaalada Kismaayo kadib laga Dhoofiya Dekada Kismaayo, dhaqaalaha Kasoo gala dhuxushana waxaa kala qaybsada Maamulka Jubbaland ee Kooxda Alshabaab.

Waxaa kaloo Afhayeenka sheegay in Axmed madoobe diiday in laga xoreeya Alshabaab Deegaanada Jubbaland, waxaana uu isku iska horkeenay qabiilada Dega Juubaland si uu xukunkiisa iyo danta isaga iyo Alshabaab ka dhaxeeya ay usii shaqeyso.

Ugu dambayntii Afhayeenka qurbajoogta Joogata Jubbaland Isaxaaq Cabdulaahi waxuu ugu baaqay shacabka Jubbaland meelay joogaan inay gacmaha is qabsadaan oo ka shaqeeyaan sidii Axmed Madoobe iyo Shabaab meel looga soo jeesan lahaa.

Hoos kadhagayso Codkii Afhayeenka oo ka baxay warbaahinta Saadaal News

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.