Muuqaal:Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Booqday Jaamacadda Caalamiga Afrika Ee Dalka Suudaan

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo booqday xarunta jaamacadda Caalamiga Ee Afrika ee magaalada Khartuum oo ay wax ka bartaan ardaya Soomaaliyeed ee ugu badan ee dalkaas waxbarashada u jooga, ayaa kula kulmay madaxda jaamacadda iyo xubna kamid ah ardayda Soomaaliyeed ee ee jaamacadda wax ka barta.

Guddoomiyaha jaamacadda caalamiga ee Afrika Kamal Obeid iyo xubna kamid ah maamulka la shaqeeya ayaa Ra’iisuul wasaare Khayre iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay xarunta jaamacadda, waxa ayna uga mahad celiyeen booqashada uu ugu tegay iyaga oo uga war-bixiyay xaaladda ardayda Soomaaliyeed ee jaamacadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.