Maamulka Galmudug oo ka horyimid in Lasoo xiro Wadaadkii niikinaayey

niikinayey

Maalmo kahor ayey ahayd markii Culumada Soomaliyeed ay ka hadleen Nin layiraahado Cabdiwali Cali Cilmi “”Niikinaaye”” oo kusugan koofurta Gaalkacyo kaaso oo halkaas kuleh guri wayn oo ay ugu xareysan yihiin rag iyo dumar ayakoo ku kaca falal aad xun kuwaas oo kasoo horjeeda diinta Islaamka iyo dhaqanka soomaliyeed.

Cabdwali Niikinaaye oo magacyo badan sheegta ayaa waxuu kudhaha dumarka Goobtiisa kusugan inay uniikiyaan oo ay kafarxiyaan ayakoo u arka ama uu ka dhaadhiciyey inuu wali alle yahay ragana waxay qaadaan heeso aad xun.

Culummada Soomaliyeed ayaa sheegtay ninkaan inuu diinta kabaxay asagoo sheegty inuu nabi yahay loona baahan yahay in tilaabo mahiima laga qaado lana xiro gootiisa oo ah meel dulmi lagu sameeyo ummada Soomaliyeedna lagu dhuminaayo.

Hadaba maamulka Galmduug ayaa waxay ka horyimadeen inay soo xiraan Cabdiwali niikinaaye iyo in Goobtiisa albaabada layskugu dhufto, Maamulka Galmudug ayaa sheegay markii al tashteen waxgaradka koonfurta Gaalkacyo inaan arimo amaan awgeed aan hada wax xariga loo gaysan Karin Cabdiwali niikinaaye.

Wararkeena daba kala socda waxii kasoo kordha Xariga wadaadkaan Diinta Islaamka u gafay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.