Daawo:Madaxwaynaha Puntland oo sheegay inuu Kufarxay Gabdhaha iyo Wasaarada Qorshaynta quruxdeeda

gaas

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaliyeed ee Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta waxaa uu xariga kajaray xarunta Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriika Caalamiga ah ee Dowladda Puntland, xaruntaas oo dayactir lagu sameeyey.

Madaxwaynaha Puntlandayaa waxuu sheegay inuu ku faraxsanahay inaan maanta imaado Wasaarada Qorsheynta oo waji cusub yeelatay, waan ku faraxsanahay inay wasaardu saas isku bedeshay, waxaan ka hadlayaana maaha muuqaalka guriga, ee waxaan ku faraxsanahay waxa weeye markaan tegay xafiisyada iyo shaqada kasocota, iyo inaan arkay dad dhalinyaro ah oo ku faraxsan shaqada ay hayaan, wasaardani waa wejigii laga soo gelayey Dalka markaa inay fiican tahay, wanaagsan tahay, qurux badan tahay waa wax aad loogu baahan yahay, idinkana ka wasaarad ahaan waxaan idinkula dardaarmayaa in shaqada aad wadaan aad meesha kasii wadaan, sidoo kalena hay’ada UNDP way ku mahadsan yihii shaqada wanaagsan ee ay qabteen, waxaana maanta mahadagaara unaqayaa madaxda hay’da oo uu ugu horeeyo George, iyo Seyid oo isaguna ah madaxa Hay’ada ujooga caasimada Puntland oo aan sigaara ugu mahadcelinayo, runtii isbedal balaadhan bay Wasaaradu gaadhay intii uu Wasiir Shire wasaarada yimaadey, wayna kamuuqataa hogaamintiisa wasiirku Wasaarada”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.