Dhageyso:Xildhibaan Sakariye oo sheegay inaan Madaxwayne farmaajo ka hadlin Cunaqabataynta Hubka Eratariya

sakariya

Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud Cabdi oo ah guddoomiyaha xisbiga Garsoor kuna wehliynayay safarkii madaxweyne Farmaajo ee Asmara, waxa uu warbaahinta Kalfadhi u sheegay in hadalkii madaxweyne Farmaajo oo ay Jabuuti ka carootay “ in uusan marnaba quseynin cunaqabteyna hubka ee saaran Erateriya “
Kaliya cunaqabeyta dhaqaale ee saaran Erateria ilaa 2009-kii ayuu ku sheegay in uu ku koobnaa hadalka madaxweynaha.
“ Innaga ayeey cunaqabateyn hub na saarantahay, sideen u dalban karnaa in iyaga laga qaado, kaliya midda dhaqaale ayuu ku koobnaa hadalka madaxweynaha “ ayuu yiri xildhibaan Sakariye oo la hadlay Kalfadhi.
Waxa uu sheegay si Soomaaliya ay xal ugu wada raadiso muranka dhuleed ee u dhaxeeya dowladaha Eratariya iyo Jabuuti ay qasab tahay in marka hore Muqdisho ay xiriir wanaagsan la yeelato Asmara.
Jabuuti iyo Eratariya ayuu sheegay in mid walba lala yeelan karo xiriir gaar ah ayna kala yihiin laba dowladood oo kala madax bannaan.
In cabashada Jabuuti la xalliyo oo dhulka ka maqan loosoo celiyo ayuu ku sheegay in ay tahay danta gobolka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.