Akhriso:Xildhibaano iyo Wasiiro kala hadlay Madaxwaynaha iyo Ra’iisalwasare ku xigenka Xasuuqa Kenya kawado Gedo

Mahadi

Kulankii dhex maray Ra’isulwasaare kuxigeenka JFS, HE Mahdi, Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Cabdi, Wasiirro uu ka mid yahay Wasiirka Shaqada iyo Aarrimaha Bulshada Xildhibaan Saalax, Wasiir Ku xigeenka Macdanta & Batroolka Iyo Xildhibaanada kala ah Sen Cabdiwaaxid Cilmi Cumar (Goonjeex), Xildhibaan Cabdicasiis Cabdullahi Yuusuf Dhegaqool, Xildhibaan Nadiifo Faarax Jaamac iyo Xildhibaan Faarx Xasan.

Kulanka waxaa looga hadlay Xadgudubyada iyo Tacadiyada Joogtada ah ee ka dhacaya Gobolka Gedo oo ay ugu dambeysay Kufsi wadareedkii gabdhahayaga loogu geystay Beledxaawo.

Falanqeyn iyo dood ka dib waxaa fadhigaas la iskula gartay arrimaha hoose:

1-In si degdeg ah loogu yeero Safiirka Kenya waxna laga weydiiyo dhibaatada Gedo ka socota gaar ahaan kufsiga u dambeeyey iyo hantida la burburinayo iyo dadka la iska leynayo.

2-In loo gurmado gabdhaha kufsigu ku dhacay lana gaarsiiyo wax kasta oo dowladdu awoodi karto.

3-In degdeg dowladdu u bilowdo baaritaan qoto dheer oo loogu kuurgalaya dhibaatada dhacday, cidda ku lug leh iyo sababaha rasmiga ah isla markaasna sharciga la aado.

Iyo Qodobo kale oo aan u baahneyn in halkaan looga hadlo.

Intaas ka dib Wasiirada iyo Xildhibaanada waxaay kulan kale lala galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo aad uga xanuunsaday markii uu maqlay waxa dhacaya,waxaa lagu wargeliyey kulankii caawa iyo wixii ka soo baxay. Waa mahadsan yahay Madaxweynaha oo amray in degdeg looga howlgalo arrinta.

Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa Wasiir Mohamud Abdikadir-Hilaal oo isagu muddo kooban ku soo abaabulay shirkaan.

Fiiro Gaara:Waxaa qoraalkan Faceboogiisa soo dhigay Xildhibaan Farax xasan oo kamid ahaa Xildhibanadii kulanka la qaatay Madacwaynaha Soomaliya iyo Ra’iisalwasaare kuxigeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.