Madaxii Dhoofinta dhuxusha Jubbaland oo garoonka Muqdisho Lagu Xiray

raabi

Garoonka diyaaradaha Magaaladda Muqdisho waxaa maanta saacado kooban lagu xayiray Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland ahna Madaxa Dhoofinta dhuxusha Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin.

Mas’uulkaan ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu kasoo qeyb galay shirkii Arrimaha Soomaaliya ee Magaaladda Brussels, wuxuuna maanta uu kusii jeeday magaaladda Kismaayo, Raabi ayaa ku safrayay Baasaboorka Diblomaasiga balse waxaa arintaan shaki weyn ka muujiyay Ciidamadda Amaanka garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Waaxda Socdaalka iyo jinsiyadaha.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in Mas’uuliyiinta Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay amreen in la xiro madaama shaki laga muujiyay qaabka uu ku qaatay iyo habkii uu u maray Baasaboorka Diblomaasiga.

Xariga loogaystay raabi ayaa waxaa kaloo la xariira Dhoofinta dhusha ee kasocota Magalada Kismaayo ee xarunta Ku meel gaarka ah ee maamulka Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.