Daawo:Madaxweynaha Puntland ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay Dekedda cusub ee Deegaanka Garacad

gaas

Madaxweynhaa Dowladda Puntland oo Maanta Dhagax Dhigay Dekada Garacad iyo Wadada Laamiga ah Ee Wadaagsin, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo taariikhdu tahay 31 July 2018 waxaa sidiiran loogu soo dhoweeyay Magaalo xeebeedka Garacad ee gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinayey Guddoomiayaha Baarlamaanka Dowladda Puntland Axmed Cali Xaashi, ku-xigeenkiisa 2aad Xuseen Xaaji Diiriye, qaar kamid ah golayaasha Dowladda Puntland, Xildhibaano katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.