Daawo:Ra’iisal wasaare Khayre oo Xariga kajaray Kaydka qaboojiyaha Daawooyinka ee Puntland, Kormeerayna 6 wasaaradood

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo magaalada Garowe ku tegay socdaal shaqo oo maalma ku joogi doono deegaannada ay ka koobantahay Puntland ayaa maanta booqday xarumaha wasaaradaha dawlad gobaleedka Puntland.

Madaxweynaha dawlad gobaleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Ra’iisul Wasaaraha XFS Soomaaliya geeyay qaar kamid ah xarumaha wasaaradaha si uu u arko horumarka ka jira iyo sida Puntland ay u hir-gelisay mashruuca Isku-tasho, waxa uuna Ra’iisul wasaare Khayre ku ammaanay Mashruuca Isku-tasho ee lagu dhisay dawladnimada Puntiland, xarumaha wasaaradaha, jidadka iyo goobaha bulshada loogu adeeego isaga oo sheegay in Marshuucaasi uu ka yimid maskax ay leeyhiin reer Puntland laguna fuliyay xoola ay leeyihiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.