Akhriso:Jubbaland waa inuu Aqligu shaqeeyaa

yuusf

Hadduu Axmed Madobe ku adkeysto diidmada ah in General Bogmadow xilka Q-43aad la wareego. Raaligalina ka bixixin waayo ficilkiisii guracanaa ee uu Generalka kaga horjoogsaday gelitaaka magaalada Kismayo si uu guto waajibaadka XFS u soo xilsaartay ee dastuuriga ah.

TQ-43aad in Baardheere loo raro waa gar aan gorgortan geli karin, waana lagamamaarmaan in tallaabadaasi lagu dhaqaaqo. Hadaba, haddaynu nahay dhaqdhaqaaqa RJA arrinkaasi waan soo dhoweyneynaa. Waxaanan diyaar u nahay innaga oo kaashanayna qeybaha bulshada ee kala duwan in aan kala shaqeyno Generalka sidii uu uga dhabeyn lahaa meelmarinta hindisaha uu hore u soo bandhigay.

Xukuumada federaalka waa in aayan noqon mid go’aanada dastuuriga ah ee qaadaneyso maamul goboleedyada u yiiriyaan. Waayo hawgalka Generalka Bogmadow hor kacayo waa rajada kaliya ee lagu xoreyn karo, laguna mideyn karo dhammaan degaanada Jubaland ee cadowgu kala qoqoban.

Waxaan wada ognahay in shacabka reer Jubaland muddo dheer haysatay nabadgalyo xumo iyo kala qaybsanaan. Maamulka Axmed Madobena ku guul daraystay in uu wax ka qabto.

Axmed Madobe wali waxuu haystaa fursad uu khaladkii ka dhacay ku saxo. Waqtigase in badan dhankiisa ma jiro. “TALA XUME TOLKUU KALA GEEYAA”.

GUUL IYO GOBANIMO REER JUBALAND.

Yuusuf Ducaale,
Gudoomiyaha Dhaqdhaqaaqa RJA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.