Muuqaal:Ra’iisalwasaare kuxigeenka Dalka Somaliya Marnaba ma aqabali donna Gudniinka fircooniga ah

guuled

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo hadal kooban ka jeediyay gebagebadii aqoon iswaydaarsi ku saabsanaa joojinta gudniinka gabdhaha ayaa soo jeediyay in meel looga soo wada jeesto ciribtirka dhaqanka haraadiga ah ee haweenka Soomaaliyeed u gaysta dhaawacyada Muuqda iyo kuwa dhanka maskaxda ah.

Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay ka go’antahay in la badbaadiyo gabdhaha iyo hooyooyinka Soomaaliyeed qorshuha xukuumnadduna yahay in si deg deg ah loo dhamaystiro shuruucda iyo siyaasadda looga hor tegayo xad-gudubyada iyo ficillada haraadiga ah ee dhibaataynaya bulshada gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed.
“Lama aqbali karo in uu sii jiro gudniinka fircooniga ah. Innaga ayaa ka gaabinnay wax ka qabashada dhaqanka haraadiga ah ee tacadiyada nagu haya, waana hawl inoo wada taalla ka wacyi gelinta bulshada si loo cirib jaro gudniinka Gabdhaha, dhinacna uga soo wada jeesanno”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.