Muuqaal:Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare oo la Kulmay Xubno ka socda Golaha Naafada Qaranka

cabdi

Kulankan uu Guddoomiyaha golaha aqalka sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la qaatay xubnaha ka socda golaha naafada qaranka ayaa waxa uu ka dhacay xarunta golaha aqalka sare ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Golaha Naafada Qaranka C/laahi Macalin Axmed oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa ka sheekeeyay Taariikhda naafada qaranka ay soo mareen iyadoo Guddoomiyaha golaha aqalka sare uu ka codsaday inay arkaan qoraalka hindise sharciyeedka Hay’adda daryeelka naafada.
“Naafada qaranka waxay lahaayeen guryo ay degaan, goobo ay wax ku bartaan, tan kale hindise sharciyeedka golaha daryeelka naafada waxaan u baahanahay in aan aragno inta aan la ansixin, ee Hay,adda daryeelka naafada la samaynayo madaxdiisa ma la magacaabayaa mise doorasho ayay ku imaanayaa”ayuu yiri C/laahi Macalin Axmed.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa sheegay in Baarlamaanka sharci uu sameynayo ayna ku dadaali doonaan samaynta sharci u dooda xuquuqda naafada oo ay talooyin badan ku yeelan doonaan.
“Baarlamaanka wuxuu sameynayaa sharci ilaaliya xuquuqdiina balse ku dadaala in aad noqotaan dad mid ah oo isku duuban”
Dhawaan ayay golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ansixyeen xeerka dhismaha Hay,adda daryeelka naafada waxaana loo gudbiyay Golaha Shacabka BFS iyadoo ugu danbayna loo gudbin doono golaha aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya marka ay meel mariyaan loo gudbin doono Madaxweynaha Dalka.

Warkii warbaahinta qaranka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.