Daawo:Ciidammada Xoogga dalka ayaa deegaanka Baar sanguuni ku laayey Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal ballaaran haatan ka wada deegaanka Baar-sanguuni iyo nawaaxigiisa,iyagoo ku raad jooga maleeshiyaad ka tirsan koxda Alshabaab ee weerar ku soo qaaday fariisin ay ciidamadu ku lahaayeen halkaasi.
Kooxaha argagixisada Alshabaab ayaa weerar ku bilowday 2 gaari oo qaraxyo ah ku qaaday deegaanka Baarsanguuni oo ay fariisimo ku lahaa Ciifamada balse ciidanka Militariga Soomaaliya ayaa iska difaacay weerarkaasi,iyagoo khasaare xoogan u geystay maleeshiyaadkii weerarkaasi soo qaaday ee Alshabaab.

Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Aadan Isxaaq Cali ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in Ciidanka Xoogga dalka oo ka feejignaa dhagarta Al-shabaab ay halkaasi ku toogteen ilaa 87 ka tirsanaa maleeshiyaadkii weerarka naf lacariga ah soo qaaday,iyadoo sidoo kale ciidamadu ay ku raad joogaan firxadka argagixisada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.