Taliyaha Booliska Soomaaliyeed iyo Wakiilka QM ee Soomaaliya oo gaaray Gaalkacyo

keating

Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa gaarey Wafdi uu hoggaaminayey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed(Ameeriko),Wakiilka Qaramada Midoobay iyo masuuliyiin kale.

Wakiilka Qaramada Midoobay iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa magaalada Gaalkacyo kusoo dhaweeyey saraakiil katirsan ciidanka Booliska iyo masuuliyiinta magaalada Gaalkacyo.
Wefdigaan ayaa magaalada u gaaray sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen howlaha amni xaqiijinta ah ee magaaladaasi ay ka wadaan ciidanka isku dhafka ah ee loo xilsaaray xasilinta magaalada Gaalkacyo ee ka kala socda Dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Puntland.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed iyo Michel Keating ayaa kormeeray Saldhigga Booliska ee Shabeel oo xarun u ah ciidanka isku dhafka ah, iyagoo halkaasi warbixino uga qaatay saraakiisha hogaamineysa ciidanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.