Madaxwaynaha Soomaliya oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa Maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii uu ka qeyb galay shir looga hadlayay Arimaha soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Magaalada Brussels ee Dalka Belgium kaga qeyb galay Shirka Iskaashiga Caalamka ee u dhaxeeyay Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka kaasi oo ay ka qeyb galeen madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira, xubno ka socday beesha caalamka iyo madaxda Waddamo badan oo kamid ah kuwa Saaxiibada dhow la ah Soomaaliya iyadona Shirkaas laga soo saaray war-murtiyiid lagu amaanayo waxqabadka dowlada Soomaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.