Axmed Madoobe oo isaga darsantay Ajandihii shirka baydhabo iyo Brussels. W/Q Cabdirixman Sheekh

axmedmadoobe

Bari baa waxaa meel tuulo ah Nin la moodayay inuu ugu roonyahay dadki meesha isugu yimid ayaa la yiri salaada naga bixi markaasuu ku tujiyay
قل يا ايها ااكافرون
way iska dhex gashay oo waa kalasaari waayay . Oday kamid ahaa dadkii wax ka tukanayay baa yiri ” Alla gawrucu muxuu ka doonay ha duusan kala saari karin.”
Md. Axmed madoobe marki la eego background kiisa hore waxaa la moodayay inuu shakhsiyad ahaan dhaamo maamul goboleedyada kale , Odayga malaha waxaa isaga darsantay Ajandihii shirka baydhabo iyo Brussels. waxaanba ka baqayay inuu yirahdo wafdiga dawlada dhexe halaga cesho garoonka . waa nasiib daro inuu maanta yirahdo AMISOM hala soo kordhiyo .
6 sano kadib 3 da gobolo ee jubaland gacan uguma jiraan , Gedo 85% shacabka maamulkiisa kuma qanacsana , Jubada dhexe iyo caasimada maamulka waxaa ka arimiya Arsenal .6 Sano uu ahaa madaxwayne wax horumarin adeeg bulsho ah ma samayn marka laga reebo mashaariic yar yar ay fuliyeen NGOs. Xildhibaano , dhaqan , wariyaal iyo shacab laga masaafuriyay jubaland waa waxa kaliyeeta ee laga haayo maamulka.
Dhuxusha laga dhoofiyo degada kismaayo , caanshuurta laga qaado garoonka , degada iyo ganacsiga dadwaynaha meesha ay martay in wax la iska waydiiyo miyeysan gar ahayn .taa waxaa ku dheer deeqaha beesha caalamka iyo qoondada ay dawlada dhexe siiyo jubaland . mahan in Odayga gardaro lagu maagayo ee waa muujin xaqiiqada meesha taal. iyado ay jirto waxqabad xumi , tuhun lunsasho hanti iyo tacdi ka dhan ahan xuquuqul insaanka ayaa waxaa soo ifbaxayo hadal haynta kudarsasho 2 sano dheeri ah, hadi ay u shaqayn waydo waxaa qorshaysan ku shubasho doorasho .
Odayga wali wuu haystaa waqti uu ku sixi karo maamulkiisa , bulshada waxaa deeqda cadaalad iyo sinaan .waxaa tahay shakhsi lagu tuhmayo diin adigay ku fiican tahay inay ka muuqato dhaqankeeda mid maamul iyo Amaano. Arimaha laguugu tuhmayo ee ah Qabyaalad , eex , nin jeclaysi iyo guud ahaan Amaano xumi dhanka maamulka in aad iska saxdo ayaa haboon madaxwayne.
Dawlad iyo Maamulka goboleedyada waxay warbixinta dalka siinayaan beesha caalamka , halka mucaaradkiina uu kadaba diray waraaq 24 qodob ka kooban oo Af ingiriis ah . waxaad moodaa dalka inuu ka dhaxeeyo beesha caalamka iyo siyaasiyiinta , wax kaalin ama la xisaabtan kuma lahan shacabka .

Cabdirixmaan Sheekh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.