Axmed Madoobe oo shirkii Brussels ka carooday Kadib markii anjada lagu daray dhuxusha iyo dilalaka kadhaca Kismaayo

axmed madoobe

Magaalada Brussels ee Xarunta dalka Belgium-ka waxaa ka furmay shirka Soomaali Partnership Forum oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya kaasi oo soconaya 16-ka ilaa 17-ka bishan July Shirkan oo daba socda Shirkii lagu qabtay magaalada London bishii May 2017-kii ayaa waxaa lagu Casuumay oo ka qeyb galaya Madaxda Dowladda Dhexe, Maamul Goboleedyada, Wasiiro iyo Ururada Bulshada Rayidka.
Sidoo kale shirkan waxaa ka qeyb galaya Bankiga Aduunka, Midka Afrika, Hay’ada lacagta Aduunka ee IMF, Midowga Afrika, Qaramada Midoobey, Jamaacada Carabta iyo Qaar kamid ah Dowladdaha daneeya arrimaha Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa ka Carooday madaxwaynaha Jubbaland axmed madoobe kadib markii uu ogaaday in shirka looga hadlaayo arimaha tacdiyada loogaysto shacabka Soomaliyed iyo nabaadguurka lagu hayo deegaanada soomaliya.

Shirka aya waxaa looga hadlayaa dhuxusha tirada badan ee laga dhoofiyo Kismaayo iyo dacwado badan oo loo gudbiyey hay’adaha Xuquuqul aadamka kuwaas la xariira dilalka qorshaysan ee ka dhaca Magaalada Kismaayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.