Axmed Madoobe oo Garoonka Diyaradaha inuu kadhaafo loodiiday iyo Farmaajo oo Talefaanka Ka dansaday

axmedmadoobe

Magalada Brussels ee Wadanka Belgium ka furmay Shirweynaha Caalamiga ah ee looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya kaas oo ay ka qeyb galayaan Madaxwaynaha Soomaliya iyo Madaxda maamul Goboleedyada iyo beesha Caalamka.

Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa waxuu isku dayey inuu dalka Belgium iskaga tago madaama arimo badan oo uusan jeclayn shirka looga hadlayo taas oo kamid yihiin Xaalufinta dhirta iyo tacdiyada shacabka Soomaliyeed loogu gaysto Kismaayo.

Waaxada socdaalka Dalka Belgium ayaa udiiday Madaxwaynaha Jubbaland Axmed madoobe inuu Magaalada Brussels Ka dhoofo asagoo kusii jeeday Dalka Kenya, axmed madoobe ayaa isku dayey inuu qadka telefoonka kula laxariiro Madaxwaynaha Soomaliya lakiin uma suurta Galin.

Madaxwaynaha jubbaland ayaa hada ku sugan Magaalada Brussels ee dalka Belgium Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaliya iyo Maamul goboleedyada ayaa axmed madoobe ku qancinaya inuu ku ekaado xartunta shirka kasocdo.

waxii wara oo kasoo baxa kala socda wararkeena dambe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.