Xildhibaan Faarax Cabdi & Xildhibaan Nadiifo Aw Faarax oo Lacag ugu deeqay Maktabadda Guud ee Garbaarey.

Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan oo ka tirsan Baaarlamaanka Faderalka Soomaaliya ayaa caawo Casho Sharaf ugu sameeyey Maqaayada Gobsoor Howl-wadeenada Maktbadda guud ee Garbaarey. Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan ayaa bogaadiyey howsha Maktabadda Guud iyo dadaalka ey dhalinyarada sameysay si iskaa wax uqabsa ah, waxuuna ku deeqay kirada guriga muddo lix bilood ah.

Sidoo kale Xildhibaanad Nadiifo Aw Faarax Jaamac oo kamida xildhibaanada dowlada Ferderallka Soomaliya oo kaso qayb gashay kulankaas ayaa kudeeqday kirida Maktabada mudo laba Bilood ah, waxayna balan qaaday iney uguntan doonto howsha Maktabadda.

Xildhibaanada ayaa ugu baaqay Siyaasiyiinta iyo Wax-garadka in ey ka qayb-qaataan Maktabadda Guud ee Garbaarey iyadoo ay xiligaan ay kajiraan baahiyo wayn waxayna sidoo kale ugu baaqeen qurba joogtada inay ka qayb qaataan dhankooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.