Daawo:Xuska sanad guuradii 2 aad ee Afgambigii fashilmay ee Turkiga oo Muqdisho ka dhacday

turki

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Olgen Bekar oo maanta ka hadlayay xuska sanad guuradii labaad ee afgembigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacay 15 Luulyo, sanadkii 2016 ayaa ku dheeraaday dhacdooyinkii ku heeranaa isku daygaas fashiley iyo sidii geesinimada laheyd ee shacabka Turkiga uga dhiidhiyeen in nidaamkooda dowladnimo laga weeciyo dhabihii uu hayay.

Dajiraha ayaa xusay in isku daygaas Afgambi ay ku dhinteen ku dhowaad 300 oo ruux isla markaana ay ku dhaawacmeen in ka badan 2000 oo kale, afgambigaas oo uu sheegay in ay ka gedaal ka taagnaayeen xulafada wadaadka dibad jooga ah ee Fatxulah Gullen.
Taageerada ay shacabka Soomaaliyeed muujiyay ayuu danjire Olgen Bekar ku sheegay in ay aheyd taarikh kale oo quluubta Turkidu ka go’i doonin, isagoo sheegay in dowlad iyo shacab dadka Soomaaliyeed aan loo kala harin is garab istaaga dalka iyo dadka Turkiga.
Danjire Olgen Bekar, safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, ayaa sidoo kale sheegay in walaaltimadaas xoogan ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Turkiga uu sii jiri doono.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, mudane Daahir Maxamuud Geelle, oo kamid ahaa mas’uuliyiintii munaasabadda lagu casuumay ayaa sheegay in isku daygii afgambi ee fashiley ee Turkiga ka dhacay uu ahaa bar madow uu ku dhigan taariikhda casriga ah ee Turkiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.