Qulubku (Depression) Ceeb Maahane Waa Cudur W/Q Ibrahim Aden Shire

maqa

Qulub (Depression) waxaa lagu qeexaa dareen rajo-la’aan iyo quus. Waxaa loo qaybiya saddeex: Mid fudud (mild), mid dhexdhexaad ah (moderate) iyo mid weyn (major). Midka ugu danbeeye waa xaalad caafimaad oo halis ah. Qofku wuxuu dareemaa walwal joogta iyo walbahaar. Waxaa qabto xanuun uusan garanayn waxa uu yahay iyo meesha laga hayo. Wuxuu faraha qaadaa wixii uu qaban jiray oo dhan. Waxaana kusoo dago caajis uu far dhaqaajin waayo kaas oo moodsiiyo inuu xanuun wax la qaban la’yahay. Wuxuu sameeyaa cuntada, hurdada iyo dhammaan nolasha ruuxa uu hayo. Waxaa lala galaa isbitaal marar badanna qofka sidaas loo qabto wuxuu ku fekeraa inuu is dilo.

Qulubku waa xanuun ku baahsan dunida oo dhan midda saboolka ah iyo teeda hodanka ahba. Wuxuu ku dhacaa saqiir iyo kabiir waxaana la xaqiiyay inuu ku dhaco xataa caruurta saddex jirka ah. Hayadda Caafimaadka Adduunku waxay sheegtay in sanadki 2017-ki ay saddex boqol oo milyan oo qof oo qulub qabto dunida ku noolyihiin.

Qulubku wuxuu culays weyn ku hayaa dhaqaalaha adduunka, adeegyada caafimaadka, kuwa bulshada iyo qofka uu hayo iyo qaraabadiisaba intaba. Waxaa la qiyaasay in qulubku duinda dhaqaale ahaan uu ka qasaariyo $1.6 tirilyan sanadkiiba. Lacagtaan waxay isku jirtaa mid lagu daweeyo qofka uu qulubku ku dhaco, middi uu shaqayn lahaa hadduu caafimaad qabo, middi ka luntay korjoogtadiisa iyo canshuurta halkaas ay ku wayday dowladda. Maraykanka oo kaliya waxaa la sheegay inuu sanadki 2010-ki qulub dartiis ku waayay adduun dhan $200 bilyan. $89 bilyan oo lacagtaas ka mid ah waxay ku baxday dawaynta dadka qulubka qaba.

Xanuunka sidaan u baahsan caankana u ah, akteenna wuxuu ka hayay ceeb dadkeennuna wuu inkiraa. Waxaan u naqaan waalli, diin la’aan iyo waswaas. Dadka soomaaliyeed ee dunida ku nool waxay ka samin yihiin inkiraadda xanuunkan iyo kuwa la mid ah. In badan waxay u arkaan arrin diin la xariirto oo waxay ku dhihi qof ilahay ku xiran qulub kuma dhaco. Qaar waxay u arkayaan ceeb laga xishooda oo waxay ka qariyaan qaraabada iyo dhaqaatiirta.

Gabar ay xaalad haysatay oo aan xaalkeeda la socday ayaa dhaqtarka isaga daba laabatay. Markuu dhaqtarki arkay waxa hayo inay yihiin qulub ayuu u qoray dawo caawiso. Habaynki ayay isoo wacday iina sheegtay in dawadaas loo qoray balse ay diidday. Waxay tiri ma anaa waalan markuu dawadaas ii siinayo. Haddaan qaato gaaladu waxay u malayn inaan waalanahay oo caruurta ayay iga qaadan. Tani waxay ku tusaysaa waxa aan aaminsannahay xanuunkaan.

Qulubku waa xanuun ku dhaco kuna dhici kara basharka oo dhan. Ma kala yaqaan culimo iyo caamo sida malaariyadu aysan u kala saarinba. Ma yaqaan gaal iyo islaam. Waa xanuun ku yimaado xalaad uu qofku galo, maro ama lasoo daristo. Hadba sida loola tacaalo ayaana looga badbaadaa. Haddii inkiraad iyo qaris lala wajaho wuxuu isu baddali karaa waali.

Dhibka ugu badan ee dadkeenna haysto ayaa ah inaan si dhab ah diinta loo fahmin meelaha qaarna fasiraad noo gaar ah aan saarno. Qofki uu ku dhaco qulub waxaa lagu koobi Qur’aan saar waxaana la aamini uusan u baahnayn dhaqtar. Waayo waxaa loo arkaa xanuun ku yimid iimaan la’aan, diin yari ama Alle ku xirnaansho la’aan.

Mar sanadkaan dhexdiisa ahayd ayaan nin aan qaraabo nahay ka wada hadalnay gabar uu lasoo darsay qulub oo qaraabada ahayd. Waxaan ku celceliyay in gabadha dhaqtarka loo geeyo. Wuxuu isna ku celceliyay in gabadha Qur’aan la saaray mid kalana hadda la saari rabo. Waxaan ku iri gabadha haddii aad caafimaad la rabtaan dhaqtarka u gee. Wuxuu ugu jawaabay ma Qur’aanka ayaa inkiraysaa. Ilaahay amarki haddii ruuxaasu duumo ku dhacdo, Qur’aanka isku dayi mahayo ee shaybaar iyo kaniini ayuu maciin bidi mana dhacayso inuu marnaba Qur’aan isa saaro.

Qur’aanku waa dawo, xanuun oo dhan ayuuna dawo u yahay. Laakiin taasi meesha ka saari mayso in si kale dawo Rabbi looga doono. Anigu shaqsi ahaan xaalad walba oo ila soo daristo, xalka koowaad Qur’aanka ayaan ka doonaa, cajaaib ayaana ku arkay. Saas oo ay tahay naftayda iyo kuwa aan masuulka ka ahayba dhaqtar ayaan ula cararaa haddii uu xanuun yimaado.

Qormadaan kuma saabsana tilmaamidda sida loo daweeyo qulubka. Balse waxay tusaalaynaysaa in qulubku yahay xanuun la mid ah duumada iyo urugta. Sida labadaas iyo xanuunnada kalana dawadiisa looga doono isbitaallada ceebna aan laga dhigin. Inuu Nabi Muxamed SCW ku dhacay ayaa caddayn kuugu filan inuu yahay xanuun caadi ah.

Waxaa axaadiista sugan ku cad inuu suubanuhu SCW walwali jiray. Waxaa jiro sanad la yiraahdo sanadkii murugada. Waa sanadki ay geeriyoodeen Abuu Daalib iyo Khadiijo oo garbihii Suubbanaha ahaa. Waxaa sugan inuu nabigu SCW salaad u carari jiray markay arrin murug galiso. Murugada, walwalka, walbahaarka, walaaca, diiqaddu, iyo qulubku waa xaalado isku nooc ah laakiin kala horreeyo qulubkuna yahay kan ugu danbeeyo ee uu gaaro qof markuu ku xumaado walbahaarku. Ma filaysaa in Suubbanuhu qulub ku dhacay gaarsiiyay inuu ku fakero inuu is dilo?

Sida uu wariyay Bukhaari, marki Suubbanaha lagu soo dajiyay waxyigi ugu horreeyay waxa raacay kal go’ cabbaar qaatay. Muddadaan Suubbanuhu wuu yaabay, fakeray walwalay oo wareeray. Wuxuu Bukhaari saxiixisa ku wariyay in walbahaarki Suubbanhu gaaray inuu kallaho oo duurka aado ka dib buur fuulo isu uu isaga soo tuuro. Mar walba oo uu damco inuu isa tuuro waxaa u dhawaaqi Jibriil oo ku dhihi Muxammadow waxaa tahay raduul xaq ah. Markaas ayay laabta u dagtaa, naftiisa qabowsataa iskana soo laabtaa. Ka dib waxaa ku dheeraado maqnaashaha, sidi oo kale ayaa ku dhacdo wuxuuna aadaa buurti ilaa uu haddana Jibriil ku yiraahdo sidii oo kale.

Haddaad u fiirsato calaamadaha halkaas ka muuqdo waxaa ku caddaan uu ahaa qulub waxa hayay suubbanuhu (dib u akhri sidaan u qeexnay qulubka). Halkaas waxaad kaloo ka fahmi kartaa inuusan xanuunkaan wax xariir ah la lahayn diin la’aan iyo Alla ka furasho. Culimada noloshooda jihaad ku dhammaystay qaar ka mid ah inuu ku dhacay oo meel xun ku gaaray ayaa la wariyay. Waxaa ka mid shahiid Sayid Qutbi oo Masar lagu daldalay isagoo dacwo ku jiro. Waxaa sugan in Sayid Qutbi dagaal ba’an uu kala jiray qulubka ilaa uu dadka ka dhex saaray kana dhigay mid gooni daaq ah.

Waxaa muhiim inaan ogaanno in xanuunkaan aad ugu baahsanyahay dalkeenna qayb ballaaran oo shacabkeenna ka mid ahna ay qabaan. Dhaqtar ka tagay qurbaha oo Soomaaliya ka shaqeeyo ayaan waraystay. Wuxuu igu yiri marki uu bukaanku sheego sida loo hayo waxaad ogaanaysaa inuu hayo qulub. Laakiin xanuunkaas baa ku hayo lagu kari mahayo. Sidaa darteed adoon u sheegin waxa hayo ayaad u qori dawada qulubka.

Haddaba waxaa na saaran inaan dadka barno xanuunkaan waxa uu yahay. Culimada waxaa saaran inay caddeeyaan in qulubku uusan ahayn diin yari iyo qaneeco la’aan balse uu yahay xanuun caadi. Ururada bulshada iyo dadka ka shaqeeyo caafimaadka waxaa saaran inay si ballaaran dadka ugu wacyi galiyaan waxa uu yahay xanuunkaan. Warki oo kooban waa inaan si wada jir ah ula dagaal ula galnaa qaladka laga fahamsanyahay xanuunkaan ilaa uu noqdo mid la mid ah xanuunada kale si xal loogu helo kumannaanka uu aafeeyay haddana la dhuumanayo.

Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.