Axmed Cismaaciil Samatar waali iyo miyir qab kee ku sheegnaa? W/Q Jimcaale

jim

Waxay ahayd dhawr maalmood ka hor markii aan arkay Por.Axmed Cismaaciil Samatar oo taagan Tukaraq oo guubaabinaaya Dagaal beeleed islamarkaasna la leeyahay wuxuu ku bixiyey kharashaad (HASHU MAANKAYGA GADAYE MA MASAAR BAY LIQDAY?) runtii waan u qaadan waayey oo waxaan is iri malaha waad riyooneysaa,waxaana is weydiiyey su,aalahaan hoose:-
1-Axmed miyuusan ahayn kii Jaamacadaha waaweyn wax ka dhigi jirey?
2-Axmed sow Ma aha ninkii ama aqoonyahankii wax ka aasaasay xisbiga Hill Qaran.
3-Axmed sow mahayn ninkii qadhiyyada midnimada aad ugu dheganaan jirey oo dadka Soomaaliyeed ku guubaabin jirey?
4-Axmed sow mahayn ninkii isku sharaxay madaxweynaha Soomaaliya 2012 asaga oo naga gadaya qadhiyada midnimada iyo Soomaaliweyn.
Intaas markii aan dhawr maalmood is weydiinaayay,ayyaan waxaan xasuustay maqaal aan qoray 2016 bishii Juunyo ee cinwaankiisu ahaa (AXMED CISMAACIIL SAMATAR AQOONYAHAN LAGU KHASAARAYoo ay igu kaliftay dhawr arimood oo ahaa:-
-Markii uu doorashadii 2012 ku guuldareystay cay iyo xumayn dadka koofurta Soomaaliya buu Mareykan kula noqday.
-Wuxuu cay iyo been aan jirin ka faafiyey dawladii dhoodhoobka ahayd ee Xamar lagu doortay oo ilaa hadda aan mudney wax la qabasho iyo toostoosin mooyaane in wax laga sheego ,siiba ruuxii garanaya waxa naga dhumay ee aan khasaarinay.
-Dad Soomaaliyeed oo sida Axmed isku bedeley markii uu doorashadii ku soo guuldareystay la yaabay baa kulan dood ah oo in wax lagu weydiiyo ahayd u qabtay magaalada Manasodha ee carada mareykan oo ahayd halkii dawlada iyo shacbiga Koofurta Axmed uu gafay,balse waxaa la yaab ahayd Axmed in uu yimid oo yiri khudbad baan soo diyaarsaday in aan jeediyo ee su,aalo layweydiiyo uma imaan, markii dadkii ku adkaysteen in loogu yeeray in su,aalo loo diyaariyey uu ka jawaabo ,Axmed fadhigii buu ka kacay asaga oo cargaagtamaya eel eh(WIXII AAN SOO DIYAARSADAY HADDAAN LA II OGOLAYN IN AAN JEEDIYO ANIGU WAAN BAXAY EE NABADGELYO),wuuna ka dhabeeyey.
-Sidey Ila tahay Axmed carra Mareykan su,aalo badan buu kala kulmay waxa ku dhacay ee badeley,wuxuuna ku dhawaaqay in uu Fikirkii Soomaaliweyn iyo xisbigii Hiil Qaran uu ka baxay Saaxiibo badan oo uu lahaana halkaas bay ku kala huleeleen.
-Wuxuu Axmed ku dhawaaqay in uu taageeraayo gooni,iskutaaga Gobolada waqooyi ee Soomaaliya ee la baxay Soomaaliland,intaas markii uu ka sheegay saxaafada ayuu durba u soo duulay Caradaan Ingiriiska( UK) oo aan ku noolahay,wuxuuna dhalinyaro fara badan kula hadlay meel qol weyn ahayd(HALL) Hargeysa buu u siijeeday oo intii uu mareykan ka sheegay iyo wax uu ku dareyba uu ku hadlay,aadna wuxuu ugu dheeraaday xukunkii Jaalle Maxamed Siyaad Barre oo uu aad u foolxumeynaayey(LUKTAANEEY NINBA MAR KU QAAD ,AMA AAN DHAHO WAA HABOON TAHAYE (MEEL AAR KA KACAY TOOR FARFARIISAY).Ujeedka waan garanaayey oo maamulka hargeysa oo uu wax badan ka sheegay damac xil inuu ka helana ku jirtay buu u ogolxaaraayey in lagu soo dhaweeye,waana sababta igu kaliftay in aan maqaalka aan sare ku xusay ka qoro.
Haddaba isku soo wada duub aqoonyahanada adduunku bulshooyinkooda wixii dhib iyo dib udhac ah eek a jira xalbay u raadiyaan wax bayna ka badalaaan,kuwa Soomaalidu ma magudbayaal qabyaaladeed bay iskugu dhurtteen ku soo takhasusa kobcinta qabyaalada,haah xaajadu waa sidaas,waxaana tusaale ku filan Axmed Cismaaciil Samatar iyoCali Khaliif Galayr.Hoos ka khariso Maqaalkii Hore.

Riix Halkaan 

Qore,Cabdullaahi Jimcaale Faarax.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.