Maqal iyo Muuqaal:Madaxweyne Farmaajo oo dallacsiiyey Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya

farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xalay waxa uu Xarunta Madaxtooyada ugu sameeyay casho sharaf Guddigii Qabanqaabada Munaasabadihii 26ka Juunyo iyo 1-da Luuliyo.

Madaxweynaha ayaa xusay saddex sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kuwaas oo badbaadiyay dukumintiyadii yaallay Xarumihii Dowladda ee ay ka tirsanaayeen, wuxuuna ku sifeeyay saraakiishan in ay tusaale nool u yihiin waddaniyiin badan oo dhiig iyo dhaqaale usoo huray badbaadinta dalka.

Saraakiishan oo kala ah G/ Sare Jaamac Cilmi (Timir) oo badbaadiyay kaydka Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, G/ Sare Abshir Xaashi Cali oo gacanta ku hayay kaydka heesaha ee Radio Muqdisho iyo Dhamme Cabdi Maxamed Samatar (Cabdi Dheere) oo isna ilaaliyay dukumintiyadii muhiimka ahaa ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa uu dallacsiiyay min hal darajo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.