Hawgalo Lagu sifaynayo Alshabab ayaa waxay Kasocdaan Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaano hoos yimaada degmada Beledweyne ee xarunta gobolkaas ayaa sheegaya in howlgalo balaaran ay ka sameeyeen ciidanka xoogga dalka deegaanada Luuq-jeeelow iyo Baar oo dhanka galbeed ka xiga Beledweyne.

Hawgaladaan aywadaan Ciidanka Xooga dalka soomaliya ayaa waxaa lagu soo qabtay shan ruux oo lagu tuhunsan yahay in ay Alshabaab yihiin, Howlgaladan ayaa ka dambeeyay markii maleeshiyo Alshabaab ahi ay dhaceen xoolo dad shacabka ah oo deegaanka degan ay leeyihiin sidaasna ciidanka ay ugu baxeen.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in howlgalka uu wali socdo isla markaana la bacsanayo maleeshiyada nabad diidka ah ee Al-shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.